Arbaco 28 Oct 2026 {HMC} Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa guddoomiyay shir looga hadlay xaaladda guud ee amniga deegaannada Hirshabeelle, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida.
Hoggaamiyaha ayaa bogaadiyay saraakiisha, ciidamada iyo dhammaan laamaha amniga, isaga oo ku ammaanay dadaalka, kartida iyo xilkasnimada ay muujiyeen, gaar ahaan doorkii muhiimka ahaa ee ay ka qaateen sugidda amniga muddadii ay socotay doorashadu.
Mudane Cali Guudlaawe ayaa xusay in dadaallada iyo hawlaha ay fuliyeen laamaha amnigu ay muujinayaan sida ay uga go’an tahay ilaalinta nabadda, amniga iyo xasilloonida guud ee deegaannada Dowladda Hirshabeelle.
Ugu dambeyn, Hoggaamiyaha ayaa faray laamaha amniga inay sii laba-jibbaaraan dadaalladooda, xoojiyaan wada-shaqeynta iyo feejignaanta, isla markaana ay si joogto ah uga shaqeeyaan ka hortagga falalka amni-darrada, si loo xaqiijiyo amni waara iyo xasillooni ay ku naaloodaan dhammaan shacabka Hirshabeelle.

