Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka qeyb galay xuska 103-aad ee Jamhuuriyadda Turkiga.

Jimco 30 Aktoobar 2026 {HMC} Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa ka qeyb galay munaasabadda xuska sannad-guurada 103-aad ee maalinta Jamhuuriyadda Turkiga, taas oo galabta lagu qabtay xarunta Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa hambalyo ku aaddan munaasabaddan u diray dowladda iyo shacabka Turkiga, isagoo xusay xiriirka saaxiibtinimo iyo walaaltinimo ee ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee ku dhisan is-ixtiraam, iskaashi iyo is-garab istaag.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu dowladda Turkiga ku ammaanay dadaallada ay ku bixiso horumarinta dowladnimada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in xiriirka labada dal uu saldhig u yahay iskaashi miro-dhal ah oo horseeday hirgelinta mashaariic horumarineed oo wax weyn ka taraya nolosha iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Ciidanka Suudaan oo Burburiyay 50 Gaari oo RSF ah, Shacabka Al-Khuway oo u Dabaaldegay Xoraynta Magaalada

Axad 15 Nov 2026 {HMC} Diyaaradaha dagaalka Suudaan ayaa burburiyay kolonyo gaadiid ciidan ah oo ka koobnayd illaa 50 gaari dagaal, kuwaas oo ay...