Arbaco 28 Oct 2026 {HMC} Xulka Qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 15-ka sano ayaa guul muhiim ah oo 2–1 ah ka gaaray ciyaar ay la ciyaareen dhiggooda Sacuudi Carabiya, kulan ka tirsanaa heerka labaad ee tartanka FIFA U-15 World Cup & Festival 2026, oo ka socda magaalada Baku ee dalka Azerbaijan.
Guushan ayaa qayb ka ah kulamada heerka tartanka, oo la ciyaarayo 28-ka iyo 29-ka Oktoobar, iyadoo kulamada kama dambaysta ah ee lixda heer la qabanayo 30-ka Oktoobar.
Tartankan oo ay ka qaybgalayaan xulal da’yar oo ka kala socda in kabadan 180 dal ayaa leh nidaam u gaar ah, kaas oo kooxaha loogu kala saarayo lix heer, laga bilaabo Tier A ilaa Tier F, iyadoo lagu saleynayo natiijooyinkii heerka isreebreebka.
Sidaas darteed, guusha ay Soomaaliya ka gaartay Sacuudi Carabiya waxay xulka u suuragelisay inuu sii wato kulamadiisa heerka tartanka, iyadoo kulamada xiga lagu kala caddeyn doono kaalinta uu ka gaarayo heerka uu ku tartamayo.
Ka qaybgalka Ocean Stars ee tartankan caalamiga ah wuxuu fursad muhiim ah u yahay horumarinta ciyaartoyda da’da yar ee Soomaaliyeed, kobcinta khibraddooda iyo in ay la baratamaan xulalka ugu awoodda badan dunida.

