Madaxweynaha FIFA oo Amma amay Xulka Soomaaliya U-15.

Khamiis 29 Aktoobar 2026 {HMC} Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka (FIFA), Gianni Infantino, ayaa ammaanay ciyaartoyda da’da yar ee xulka qaranka Soomaaliya U-15, kaddib bandhigga wanaagsan oo ay ka sameeyeen tartanka FIFA U-15 World Cup & Festival 2026, oo ka socda magaalada Baku ee dalka Azerbaijan.

Madaxweynaha (FIFA), Gianni Infantino, oo si toos ah u daawanayay kulan adag oo wareegga afar-dhammaadka (Semi-final) ah oo dhex maray xulalka Soomaaliya iyo Canada, ayaa bogaadiyay kartida, dadaalka iyo heerka ciyaareed ee ay soo bandhigeen wiilasha Soomaaliyeed, kuwaas oo tartankan ku muujiyay xirfad, karti iyo awood ciyaareed.

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka (CECAFA), Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine).

Joogitaanka Madaxweynaha FIFA iyo hoggaanka xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaana muujineysa muhiimadda uu tartankani u leeyahay horumarinta kubadda cagta da’yarta, kobcinta hibada ciyaartoyda Soomaaliyeed iyo abuurista fursado ay kula tartamaan xulalka dalalka kale.

Xulka Soomaaliya U-15 ayaa tartanka ka sameeyay bandhig muuqda, iyagoo guulo ka gaaray dhowr kulan oo ay ciyaareyn , taas oo sare u qaadday rajada laga qabo mustaqbalka kubadda cagta da’yarta Soomaaliya.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Ciidanka Suudaan oo Burburiyay 50 Gaari oo RSF ah, Shacabka Al-Khuway oo u Dabaaldegay Xoraynta Magaalada

Axad 15 Nov 2026 {HMC} Diyaaradaha dagaalka Suudaan ayaa burburiyay kolonyo gaadiid ciidan ah oo ka koobnayd illaa 50 gaari dagaal, kuwaas oo ay...