Hogaamiye Aadan Madoobe oo Baydhabo kula kulmay Taliyaha Ciidamada Itoobiya.

Jimco 30 Aktoobar 2026 {HMC} Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Taliyaha Qaybta Saddexaad ee Ciidanka Nabad Ilaalinta ee ka howlgala Soomaaliya.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed iyo saraakiil ciidan, ayaa looga hadlay adkeynta amniga deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed, xoojinta iskaashiga amni iyo sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo ciidamada nabad ilaalinta, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dadaallada amni iyo sii xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada ay khuseyso, si loo dardargeliyo howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab loona xaqiijiyo nabadda iyo badbaadada shacabka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Nairobi kaga qaybgalay shir looga hadlay iskaashiga Baarlamaannada EAC.

Jimco 30 Aktoobar 2026 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa shir-guddoomiyey kulanka aan caadiga ahayn ee...