Maxbuus 28 sano ku xirnaa Hargeysa oo dib xorriyaddiisa u helay.

Jimco 30 Aktoobar 2026 {HMC} Maanta ayaa xabsiga Hargeysa laga sii daayay 𝐃𝐚𝐡𝐢𝐫 𝐐𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦 𝐀𝐛𝐝𝐚𝐥𝐞,oo ahaa maxbuus muddo 28 sano ah ku xidhnaa xabsiga dhexe ee Hargeysa, kaas oo noqday mid ka mid ah maxaabiista ugu muddada dheer ee dalka u xidhan xuquuqda madaniga ah.

Maxbuuskan ayaa ka mid noqday maxaabiistii ugu muddada dheerayd ee la sii daayo muddadii uu xilka hayay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JSL, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐘𝐨𝐨𝐧𝐢𝐬 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐘𝐨𝐨𝐧𝐢𝐬 sii Daynta maxabiista oo ayaa ka dhalatay kormeerkii wasiirku ku sameeyay xabsiyada dalka

Muddada uu Wasiirka Wasaaradda Caddaaladdu joogay wasaaradda, waxa la sii daayay maxaabiis badan oo muddo dheer ugu xidhnaa arrimo la xidhiidha xuquuqda madaniga ah.

Tallaabooyinkani waxay qayb ka yihiin dadaallada lagu ilaalinayo xuquuqda maxaabiista, kuwaas oo Wasaaradda Caddaaladdu mudnaan gaar ah siinayso, iyadoo ay ka go’an tahay dhowrista xuquuqdooda iyo daryeelka xaaladahooda.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Nairobi kaga qaybgalay shir looga hadlay iskaashiga Baarlamaannada EAC.

Jimco 30 Aktoobar 2026 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa shir-guddoomiyey kulanka aan caadiga ahayn ee...