Arbaco 28 Oct 2026 {HMC} Musharrixii uu taageeray Netanyahu ee doorashada Brazil , Flávio Bolsonaro ayaa la sheegay inuu maanta lugu uga baxay dalka Brazil, isla markaana hab tahriib ah ku galay dalka Argentina, ka dib markii ay soo baxday doorashada Brazil inuu xilka madaxweynaha ku guuleystay Lula da Silva, isla markiina ay maxkamadda sare ee Brazil soo saartay go’aan lagu baarayo Flávio Bolsonaro,sabab la xiriirta baaritaan lacag-dhaqid, waxayna maxkamaddu amartay inuu baasaboorkiisa wareejiyo, kana bixi karin Brazil.
Waxaa xigtay in markii uu dhamaaday waqtigii loo qabtay inuu baasaboorka wareejiyo oo uusan sameyn, in baasaboorkiisa laga dhigay mid aan shaqeynayn, taasoo dhalisay isagoo ka baxsanaya xukun iyo xabsi inuu tahriib uga baxo dalka uu doonayay inuu madaxweyne ka noqdo.
Hadda, Trump ayaa doonaya inuu badbaadiyo, waxayna wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ku dhawaaqday in la diyaariyay fiiso uu Mareykanka ku soo gali karo Flávio Bolsonaro iyo xubno ka mid ah qoyskiisa, xilli la filayo inay diyaarad gaar ah ka soo qaado Argentina, sida ay baahisay CNN.

