Dowladda Soomaaliya oo Kuunyo Barrow ku Dishay Madaxii Hore ee Maaliyadda Al-Shabaab

Arbaco 28 Oct 2026 {HMC} Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka, ayaa howlgal qorsheysan oo 23-kii bishan Oktoobar ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay Horjooge Faysal Yuusuf Macallin Cabdulle, oo magaciisa afgarashadu ahaa Cabdikariin Horseed/Gaagaale. Horjoogahan ayaa soo noqday Madaxa Guud ee Maaliyadda Khawaarijta, wuxuuna hadda ka mid ahaa xubnaha sida dhow ula shaqeeya hoggaanka sare ee kooxda.

Horjooge Faysal Yuusuf ayaa Khawaarijta si qarsoodi ah ugu biiray sanadkii 2007, isaga oo xilligaas ka shaqeynayay dukaan ku yaalay Suuqa Bakaaraha, kaas oo gabbaad u ahaa dhaq-dhaqaaqiisa. Intii u dhexeysay 2007 ilaa 2011, waxa uu madax ka ahaa waxa ay ugu yeeraan Maktabka Maaliyadda ee gobolka Banaadir, isaga oo maamulayay lacagaha baadda ah ee laga qaado shacabka. Sanadihii 2011 ilaa 2014, waxa uu noqday Madaxa Guud ee Xisaabaadka Khawaarijta.

Intii u dhexeysay sanadihii 2014 ilaa 2024, Horjooge Faysal Yuusuf waxa uu hayay xilka ugu sarreeya ee Maaliyadda Guud ee Khawaarijta, ka hor inta uusan xilka ku wareejin Horjooge Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble, oo loo yaqaanay Cabdullaahi Wadaad, kaas oo isagana lagu dilay howlgal 23-kii Janaayo 2026, laga fuliyay isla deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dilka labadan horjooge ee xilka maaliyadda isaga dambeeyay ayaa dhabar-jab ku ah hoggaanka iyo shabakadaha dhaqaale ee Khawaarijta.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxay sii wadi doontaa howlgallada lagu beegsanayo horjoogayaasha sare ee Khawaarijta, laguna burburinayo shabakadaha ku howlan uruurinta lacagaha baadda ah ee lagu maalgeliyo dhagarta ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed.

Muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab iyo Daacish la wadaag NISA: 199 | 0770 747474 | 0620 545454.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Xulka Soomaaliya da’doodu ka hooseyso 15-ka sano oo 2–1 kaga Adkaaday Sacuudiga.

Arbaco 28 Oct 2026 {HMC} Xulka Qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 15-ka sano ayaa guul muhiim ah oo 2–1 ah ka gaaray ciyaar...