Talaado 27 Oct 2026 {HMC} Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), Mudane Axmed Macalin Xasan, ayaa shirkii sideedaad ee Agaasimeyaasha Guud ee Hay’adaha Duulista Rayidka ee Dalalka Bariga Dhexe (DGCA-MID/8) oo ka socda magaalada Dooxa ee dalka Qatar, ku soo bandhigay horumarka Soomaaliya ka gaartay duulista rayidka iyo doorka istaraatiijiga ah ee hawada Soomaaliya ku leedahay isku xirka duulimaadyada caalamka.
Waxa uu xusay in xilli ay xaaladaha amni ee gobolka saameeyeen hawlgallada duulista, hawada Soomaaliya ay door muhiim ah ka qaadatay isku xirka duulimaadyada rayidka ee gobolka iyo dunida inteeda kale.
Maareeyaha Guud, Mudane Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay in casriyeynta nidaamka duulista, adeegsiga qalabka teknoolajiyadda casriga ah iyo shaqaalaha aqoonta iyo khibradda leh ay kor u qaadeen sumcadda Soomaaliya iyo muhiimadda hawada dalka.
“Maanta waxaan joognaa meel dunidu nagu tiirsan tahay,” ayuu yiri Maareeyaha Guud.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in ka qaybgalka Soomaaliya ee shirkan uu xoojinayo iskaashiga gobolka, gaar ahaan maadaama dalka uu ku yaal marin hawo oo istaraatiiji ah oo muhiim u ah duulimaadyada gobolka iyo kuwa caalamka.
Shirkan oo maalintiisa labaad socda, waxaa sannadkan martigelinaysa Hay’adda Duulista Rayidka Qatar (QCAA), iyadoo kaashanaysa Xafiiska Gobolka Bariga Dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Adduunka (ICAO). Waxaa ka qaybgalaya mas’uuliyiin ka socda hay’adaha duulista rayidka ee dalalka Bariga Dhexe iyo dalal kale, iyo sidoo kale wakiillo ka socda ururrada caalamiga ah iyo kuwa gobolka.
Ajandaha shirka waxaa ka mid ah badbaadada duulista iyo hagidda diyaaradaha, amniga nidaamyada dijitaalka ah, ilaalinta deegaanka iyo duulista, fududeynta gaadiidka cirka, xoojinta iskaashiga gobolka, hirgelinta barnaamijka amniga duulista ee Bariga Dhexe iyo wax ka qabashada caqabadaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn

