Khamiis 22 Oct 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye gaas ibarahim Maxamed maxamuud ayaa kulan la qaatay Taliyaha Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM-Somalia), Sarreeye Guuto Ivan Falasca.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca tababarka milatariga, horumarinta aqoonta iyo xirfadaha askarta iyo saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo sare u qaadista tayada tababarrada si loo dhiso ciidan qaran oo xirfad leh, diyaarsan, kana jawaabi kara waajibaadka amni ee dalka.
Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-shaqeynta iyo taageerada lagu horumarinayo tayada, kartida iyo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
560016

