Arbaco 7 Oct 2026 {HMC} Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya,Gedion Timothewos ayaa maanta telefoon kula xiriirray wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar , xilli ay sare marayso xiisadda Itoobiya kala dhaxeysa Eritrea.
Warsaxaafadeed ay wadahadalkan ka sii daysay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, waxaa lagu yiri;
“Labada wasiir ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay midnimada iyo xasilloonida Itoobiya, iyagoo sidoo kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay in la ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida guud ahaan Geeska Afrika.”

