Arbaco 30 Sep 2026 {HMC} Itoobiya ayaa ciidamadeeda kala baxaysa Soomaaliya, iyada oo ku biirinaysa dagaalka woqooyiga dal kaas ka socda, sida ay werisey warbaahinta Bloomberg oo xiganaysa ilo-wareedyo sugan.
Jariiraddu waxa ay sheegtey in Itoobiya ay la baxayso in ka badan saddex kun oo askari oo ku sugan gobollada Baay, Bakool & Hiiraan lana geynayo deegaannada Tigray, Axmaara & Cantarta ee Itoobiya.
Itoobiya waxa dalka ka jooga kummaan askari oo aan ka tirsanayn Ciidamada Afrika ee AUSSOM, tanina waxa ay imanaysaa saacado ka dib kulankii Addis Ababa ee Madaxweyne Xasan Shiikh & Raysal wasaare Abiy Axmed.

