Jimco, 25 Seb 2026 {HMC} Wargeyska The Wall Street Journal ayaa wariyey in dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga ay ku boorriyeen Maamulka Trump inuu sii joogteeyo xannibaadda dhanka badda ee uu saaray Iiraan, uuna sii wado cadaadiska ka dhanka ah Iiraan.
Inkasta oo dalalkani ay diidan yihiin in mar kale uu dagaal qarxo, haddana labada dal ayaa doonaya in xannibaadda dhanka badda ee Iiraan sii socoto illaa Iiraan lagu qasbo in ay qaadato heshiis cusub.
Arrintan ayaa imanaysa xilli dowladda Qatar oo ka mid ah dhexdhexaadiyeyaasha ay dooneyso in toddobaadka danbe lagu kulmo Cumaan, halkaasna lagu saxiixo heshiis dib loogu furayo Marinka Hormuz, Colaaddana laga heshiiyo, sida uu wargeysku qoray.
Trump ayaa toddobaadkan sheegay in uu filayo in labada dhinac ay mar kale kulmaan dhowaan, taasi oo muujisay in ay jiraan dadaallo socda oo isku soo dhoweynaya labada dhinac.

