Jimco 18, Sep 2026 {HMC} Mas’uuliyiinta gobolka Michigan ee Mareykanka ayaa sheegay in diyaarad dagaal oo nooca F-16 ah ay Khamiistii ku burburtay deegaanka Traverse County.
Shilku wuxuu sababay in si degdeg ah loo daadgureeyo qayb ka mid ah dadka deegaanka ee ku dhow goobta ay diyaaradda ku burburtay.
Afhayeen u hadlay Garabka 149-aad ee Ciidamada Cirka Qaranka Texas ayaa sheegay in duuliyuhu uu diyaaradda ka booday ka hor inta aysan burburin, isla markaana xaaladdiisu deggan tahay. Hadda waxaa lagu daweynayaa isbitaal.
Afhayeenku wuxuu sheegay in diyaaradda ay ku jirtay tababar caadi ah markii shilku dhacay.

