Axad 13 Sep 2026 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu, waxaana kulanka looga hadlay xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha ee ku dhisan is-ixtiraam, is-aaminaad iyo danaha wadajirka ah ee labada dal iyo labada shacab.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sii xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan horumarinta xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha sharci-dejinta, iyo ballaarinta iskaashiga labada dowladadood, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Dowladda iyo Shacabka Shiinaha uga mahadceliyey taageerada joogtada ah iyo garab istaaga ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda marxalidihii kala duwanaa ee ay soo mareen, waxaana sidoo kale Guddoomiyaha iyo Safiirka ay si wadajir ah u adkeeyeen muhiimadda ay leedahay sii xoojinta saaxiibtinimada iyo Iskaashiga labada dal.

