Madaxweyne Xasan Shiikh oo muqdisho kula Kulmay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka.

Jimco 11, Sab 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka, ahna Gudomiyaha hay’adda Culimada Muslimiinta, Dr. Mohammed bin Abdulkarim Al-Issa.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Raabidada Caalamka Islaamka, gaar ahaan dadaallada lagu horumarinayo fahamka saxda ah ee Diinta Islaamka, ka hortagga iyo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah iyo xoojinta nabadda, wadajirka iyo wada noolaanshaha bulshada.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Raabidada Caalamka Islaamka mawaaqifteeda taageridda, Midnimida iyo Madaxbnaanida Soomaliya iyo doorka ay ka qaadato horumarinta bulshada , isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi xooggan oo lagaga hortagayo fikradaha xagjirka ah iyo marin-habaabinta dhalinyarada.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

8 Qof oo u Badan Carruur oo ku Dhaawacmay Weerar Diyaarad Drone ah oo RSF ka Geysatay Khartuum.

Jimco 11, Sab 2026 {HMC} Siddeed qof oo u badan carruur ayaa Khamiistii ku dhaawacmay weerar diyaarad drone ah oo Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF)...