Arbaco, 9, Sep 2026 {HMC}Â Sagal Abdi-Wali, oo ah hoggaamiyaha Golaha Deegaanka Camden, ayaa loo arkaa musharrax si weyn ugu dhow in xisbiga talada haya ee Labour uu u doorto doorashada ku-celiska ah ee lagu buuxinayo kursiga baarlamaanka ee uu baneeyay Keir Starmer.
Sagal Abdi-Wali, oo asal ahaan Soomaali ah, waxay ku timid Britain iyadoo ilmo qaxooti ah, waxaana muddo 35 sano ah ay ku nooleyd Camden. Waxay noqotay hoggaamiyaha Golaha Deegaanka Camden bishii May 2026.
Haddii loo doorto musharraxa Labour-ka, waxay noqon kartaa tallaabo taariikhi ah oo muhiim u ah matalaadda bulshada British-Somali ee siyaasadda Britain.

