Arbaco, 9, Sep 2026 {HMC}Â Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in 4-ta Sebtembar ay duqeyn cirka ah ka fuliyeen Soomaaliya, taas oo lagu bartilmaameedsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.
AFRICOM ayaa sheegtay in duqeynta lagu fuliyay iskaashi iyo isku-duwid lala sameeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo goobta lagu beegsaday ay ku taalla qiyaastii 175 kiiloomitir dhanka galbeed kaga beegan Muqdisho.
Taliska Mareykanka ayaa sheegay in AFRICOM, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay sii wadaan howlgallada lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab ee ay ugu hanjabi karto ciidamada Mareykanka iyo muwaadiniinta Mareykanka ee dibadda ku sugan.
AFRICOM ma aysan shaacin faahfaahin ku saabsan cutubyadii ama diyaaradaha iyo hubkii loo adeegsaday duqeynta, iyadoo sheegtay in xogtaasi aan la soo bandhigi doonin sababo la xiriira amniga iyo sirta howlgalka.
Duqeyntan ayaa kusoo beegmaysa xilli ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee qaybo ka mid ah dalka.
AFRICOM ayaa sidoo kale sheegtay in duqeyn kale oo ka dhan ah Al-Shabaab ay dhacday 5-ta Sebtembar 2026, iyadoo faahfaahinta goobta iyo khasaaraha ka dhashay aysan bayaanka lagu soo bandhigin.

