Talaado, 8 Seb 2026 {HMC} — Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa weerarrada ay maleeshiyada Xuutiyiinta ku qaadeen goobo rayid iyo xarumo dhaqaale oo ku yaalla gobollada koonfureed ee Boqortooyada Sacuudiga, kuwaas oo mas’uuliyiinta Sacuudigu sheegeen inay ku dhaawacmeen tobannaan qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur.
Beegsiga ula kaca ah ee dadka rayidka ah iyo kaabayaasha rayidka ah ayaa ah xadgudub culus oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, isla markaana ah tallaabo khatar ah oo sii kordhineysa xiisadda, taas oo halis ku ah amniga Badda Cas iyo Geeska Afrika.
Maadaama Soomaaliya ay tahay dal xeebeed, waxay walaac weyn ka muujineysaa weerarrada joogtada ah ee lagu beegsanayo maraakiibta ganacsiga iyo khatarta ku wajahan xorriyadda maraakiibta inay si nabad ah u maraan.
Soomaaliya waxay ku baaqeysaa in si degdeg ah loo joojiyo dhammaan weerarrada, lana cusbooneysiiyo dadaallada lagu gaarayo xal siyaasadeed oo laga gaaro colaadda Yemen.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudiga, hoggaankeeda iyo shacabkeeda, iyadoo dadka ku dhaawacmay weerarradana u rajeyneysa caafimaad degdeg ah iyo soo kabasho buuxda.


