Dowladda Soomaaliya oo sarkaal ciidan u xirtay tacaddiga maxbuus Shabaab ah.

Sabti, 5, Sept 2026 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in la xiray sarkaal ka tirsan ciidamada oo lagu eedeeyay inuu tacaddi u geystay maxbuus ka tirsanaa Al-Shabaab, kaddib markii muuqaalka falkaasi lagu baahiyay baraha bulshada.

Wasiirka ayaa sheegay in sarkaalka la qabtay saacado kaddib markii muuqaalka lagu faafiyay baraha bulshada, isla markaana maxkamad la horgeyn doono.

“Maadaama muuqaalka uu soo galay baraha bulshada, saacado kaddib waa la soo qabtay, maxkamaddana waan geynaynaa,” ayuu yiri wasiirka oo ka hadlayay tallaabada laga qaaday sarkaalka.

Wuxuu sheegay in dowladda ay oggol tahay in xubnaha Al-Shabaab ee dagaalka lagu qabto loo maro sharciga, balse aan loo bannaanayn in maxaabiista la jirdilo ama lagu xadgudbo.

“Sida saxda ah, Shabaab oo xabbad wata, dadka dilaya oo dadkeenna dhibaateynaya, waxaan oggolnahay in sharciga hortiisa la keeno. Laakiin sharciga hortiisa in lagu ciqaabo ama lagu dhibaateeyo, ama wax karaamadiisa iyo xuquuqdiisa waxyeello u geysanaya loo geysto, taas ma oggolin,” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay waddo dadaallo lagu xoojinayo ilaalinta dadka rayidka ah xilliyada ay socdaan howlgallada milatari, gaar ahaan deegaannada ay ka dhacayaan dagaallada lagula jiro kooxaha hubeysan.

Wuxuu sheegay in howlgallo dhowaan ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose ay waxyeello ka soo gaartay qaar ka mid ah beeraha, isagoo tilmaamay in ciidamada looga baahan yahay inay ilaaliyaan shacabka iyo hantidooda, oo ay ku jiraan beeraha iyo guryaha.

“Waxaan ka hadlaynaa in dhirta la ilaaliyo, beeraha iyo hantida dadka la ilaaliyo, laakiin waxa intaas ka horreeya waa in insaanka la ilaaliyo,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in arrintan ay iska kaashanayaan hay’adaha dowladda, ciidamada iyo hay’adaha caalamiga ah, iyadoo la sameeyay hannaan wada shaqeyn ah oo lagu xoojinayo ilaalinta dadka rayidka ah xilliyada colaadaha.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Yemen oo Jabuuti kala hadashay xoojinta dadaallada lagu joojinayo maalgelinta Xuutiyiinta.

Jimco, 4, Sep 2026 {HMC}  Yemen ayaa ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga gobolka ee lagu carqaladeynayo shabakadaha sahayda iyo maalgelinta ee lala xiriirinayo Xuutiyiinta,...