Midowga Afrika oo bogaadiyay ku biirista Soomaaliya ee AfCFTA iyo horumarka ganacsiga.

Jimco, 4, Sep 2026 {HMC} Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa xarunta ururka ee magaalada Addis Ababa ku qaabilay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, halkaas oo ay kaga wada hadleen arrimaha ganacsiga, maalgashiga, is-dhexgalka dhaqaalaha qaaradda iyo dadaallada xasillinta Soomaaliya.

Guddoomiye Maxamuud Cali Yuusuf ayaa dowladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay ansixinta heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), isagoo tallaabadaas ku tilmaamay mid muhiim u ah in Soomaaliya ay si qoto dheer uga mid noqoto suuq geynta qaaradda.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay leedahay awood ballaaran oo ay kaga qaybqaadan karto ganacsiga iyo maalgashiga Afrika, isagoo xusay taariikhdeeda dheer ee dhinaca ganacsiga, firfircoonida ganacsatada Soomaaliyeed, iyo xiriirka soo-jireenka ah ee ay la leedahay qaaradda iyo dunida inteeda kale.

Horumarka amniga iyo kobaca dhaqaalaha
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale bogaadiyay horumarka la taaban karo ee laga sameeyay dhinacyada nabadda, amniga iyo xasillinta Soomaaliya, isagoo adkeeyay in nabad waarta iyo xasillooni joogto ahi ay udub-dhexaad u yihiin kobcinta dhaqaalaha, horumar loo dhan yahay, iyo is-dhexgalka gobolka.

Dhankiisa, Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa guddoomiyaha warbixin ka siiyay shirkii ugu horreeyay ee Wasiirrada Ganacsiga ee Hindisaha Geeska Afrika, kaas oo dhawaan lagu soo gaba-gabeeyay Addis Ababa.

Shirkaas oo ay ka qaybgaleen wasiirro ka socday Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Koonfurta Suudaan, iyo wakiillo ka socday Suudaan iyo saaxiibbada horumarinta, ayaa diiradda lagu saaray tallaabooyin lagu fududeynayo ganacsiga gobolka, yaraynta caqabadaha xuduudaha, iyo dhisidda hannaan wadajir ah oo lagu xoojinayo isku-xirka dhaqaalaha.

Wasiirka ayaa sidoo kale soo bandhigay isbeddellada togan ee ka muuqda ganacsiga iyo maalgashiga Soomaaliya, kuwaas oo ay ugu horreeyaan kalsoonida maalgashadayaasha oo soo kabanaysa iyo maalgashiga shisheeye oo dalka ku soo badanaya.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa si weyn u soo dhaweeyay horumarradaas, isagoo sheegay in xoojinta ganacsiga gobolka iyo isku-xirka dhaqaaluhu ay laf-dhabar u yihiin nabad, xasillooni iyo barwaaqo ka hanaqaadda Geeska Afrika.

Wasiir Jamaal ayaa Midowga Afrika uga mahadceliyay taageerada hagar-la’aaneed ee ay siiyaan dadaallada xasillinta Soomaaliya, isagoo si gaar ah u bogaadiyay dalalka ciidamadooda ku biiriyay hawlgallada nabad-ilaalinta dalka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Midowga Afrika iyo beesha caalamku ay sii wadaan taageeradooda, xilli dowladda Soomaaliya ay si tartiib tartiib ah ula wareegayso mas’uuliyadda buuxda ee amniga iyo xasillinta dalka.

Gebagabadii, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa mar kale xaqiijiyay in Midowga Afrika uu sii garab istaagi doono Soomaaliya, isla markaana uu si dhow ula shaqeyn doono Dowladda Federaalka, dalalka ciidamada ku deeqay hawlgallada iyo saaxiibbada caalamiga ah, si loo dhabeeyo qorshayaasha ay Soomaalidu hoggaaminayso ee ku wajahan helidda nabad iyo amni waara.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Yemen oo Jabuuti kala hadashay xoojinta dadaallada lagu joojinayo maalgelinta Xuutiyiinta.

Jimco, 4, Sep 2026 {HMC}  Yemen ayaa ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga gobolka ee lagu carqaladeynayo shabakadaha sahayda iyo maalgelinta ee lala xiriirinayo Xuutiyiinta,...