Isniin 10 Aog 2026 {HMC} Madaxweynaha Dalka Iiraan Masuud Pezeshkian ayaa sheegay inuu kulan la yeeshay Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Mujtaba Khamenei.
Pezeshkian ayaa sheegay in kulanka uu socday muddo ku dhow toddoba saacadood, isagoo ku tilmaamay kulan “aad u wanaagsan”.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu Hoggaamiyaha Sare kala hadlay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada iyo isku duubnida dalka, xilli Iiraan ay wajahaysa xaalado siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah.
Kulankan ayaa imanaya maalmo kadib markii Madaxweyne Pezeshkian uu sheegay in ay adagtahay in lala xiriiro Hoggaamiyaha Sare, taas oo dhalisay hadal hayn ku saabsan xiriirka labada dhinac.
Maalin ka hor hadalka madaxweynaha, barta rasmiga ah ee Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan ayaa lagu daabacay war sheegaya in Mujtaba Khamenei uu kulan la yeeshay Madaxweynaha Masuud Pezeshkian.

