Sheekh Aadan Madoobe oo Muqdisho Kula Kulmay Wakiilka Cusub ee UNDP ee Soomaaliya.

Axad 18 Oct 2026 {HMC} Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay wakiilka cusub ee Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Horumarinta (UNDP) ee Soomaaliya, Mudane Christophoros Politis.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka wada-shaqayneed ee u dhexeeya Dowladda Koonfur Galbeed iyo Hay’adda UNDP, dardargelinta barnaamijyada horumarineed, dib-u-heshiisinta iyo sidii loo xoojin lahaa taageerada hay’addu siiso Dowladda Koonfur Galbeed, gaar ahaan dhinacyada dowlad-dhiska, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga Dowladda Koonfur Galbeed iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, isaga oo xusay in taageerada hay’adaha caalamiga ahi ay door muhiim ah ka qaadan karto hirgelinta qorshayaasha horumarineed, xoojinta hay’adaha dowladda iyo kor u qaadista nolosha bulshada ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Hoggaamiye Shekh Aadan ayaa muujiyey sida ay Dowladda Koonfur Galbeed uga go’an tahay xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha caalamiga ah, si loo xaqiijiyo mashaariic horumarineed oo wax ku ool ah, loona horumariyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Wakiilka cusub ee UNDP ee Soomaaliya, Mudane Christophoros Politis, ayaa kala hadlay Hoggaamiyaha fursadaha lagu sii xoojin karo iskaashiga iyo taageerada dhinacyada mudnaanta u leh Dowladda Koonfur Galbeed.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo La Kulmay La-taliyeyaasha Madaxweynaha, Kana Hadlay Xoojinta Amniga.

Axad 18 Oct 2026 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowladda Koonfur Galbeed, Isack Mohamed Isack (Korsaar), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay La-taliyasha Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed,...