Axad 9 Aug 2026 {HMC} Ruushka iyo Suuriya ayaa maanta soo gabagabeeyay wadahadallo 18 bilood socday oo la xiriiray joogitaanka Ruushka ee gudaha Suuriya,iyadoo heshiiskan uu dhigayo dekedda Tartus iyo garoonka diyaaradaha Xmeimim oo Ruushku muddo dheer gacanta ku hayay in lagu wareejiyo dawladda Suuriya.
Saldhigyada militari ee Ruushku ku leeyahay gudaha Suuriya loo rogayo kuwa ay wadajir ah uga howlgalayaan ciidanka Ruushka iyo kuwa Suuriya, taasoo ay weheliso Ruushka inuu saldhigyadaa ka dhigayo xarumo tababbar oo sare loogu qaado awoodda ciidanka Suuriya.

