Ciidanka Gen.Jimcaale ee Ku sugan Duleedka Garowe oo Isku dhiibaayo Puntland.

Jimco 7 Aug 2026 {HMC} Waxa idlaatay laba beri oo loo qabtay ciidamada ka diwaangashanaa Dowladda Federaalka in ay dib ugu soo laabtay ciidamada Pantland, ka dib la wareegistii xeryaha Ciidamada PSF ee Gaalkacyo & Boosaaso.

Maalinta Axadda, waxa lagu wadaa in ciidamada Danab ee uu hoggaamiye, Gen.Jimcaale ee fadhigoodu yahay deegaanka Ligle ee Nugaal ay dib ugu soo laabtaan ciidamada Puntland iyada oo is-afgarad lagu gaaray; in ciidankan ay diwaangeli u samayso dowladdu bixisona xuquuqdooda, iyaguna ay ka tanaasulayaan xiriirka Dowladda Federaalka  sidaasi ayaa lagu wadaa in Puntland dib ula wareegto ciidamadii iska diwaangeliyey Dowladda Soomaaliya ee Bari iyo Mudug, iyada oo la sheegey in ay badi is-afgarad laga gaadhay.

Tani waa fursad mideyn awoodeed oo heshay xukuumadda Puntland, waxa se sugaya maareynta xuquuqda ciidamadan badan ee kala duwan oo marar badan la arkay iyaga oo cabasho xuquuq jid u xidhay, waxa se ilo-dowladeed tilmaameen in mustaqbalka isdhexgelin loo samaynayo ciidamada Puntland iyada oo meesha laga saarayo awoodaha beeleed iyo shaqsiyaad.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...