Axad 26 July 2026 {HMC} Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya Abshir Bukhaari ayaa maanta dib looga soo celiyay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta kadib safar uu ku tagay dalka Kenya.
Wararka ayaa sheegaya in Masuulkan lagu qabtay Baasaboorka dalka Kenya, waxaana loo diiday inuu ka baxo garoonka uuna u gudbo gudaha magaalada Nairobi oo safarkiisa uu ku wajahnaa.
Abshir Bukhaari ayaa ugu danbeyn diyaarad ka soo qaatay garoonka isagoo dib ugu soo laabtay Muqdisho.
Arintan ayaa ku soo aadaysa xili masuuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya horay sidan oo kale loogu diiday inay galaan gudaha Kenya

