Arbaco 22 July 2026 {HMC} Meydadka askartii Mareykanka ee ay Iiraan ku dishay weerar ay ka fulisay saldhig uu Mareykanka ku leeyahay dalka Jordan ayaa maanta laga dejiyo Mareykanka,iyagoo goobtii laga dejiyay uu ku sugnaa Trump.
Dhimashada askarta Mareykanka ee dagaalka Iiraan, ayaa cadaadis ku dhalisay Trump, waxaana gudaha Mareykanka soo baxay codod badan oo ku baaqa in la joojiyo dagaalka, halka kuwa kale ay is waydiinayaan inaysan jirin natiijo illaa hadda Mareykanka uu ka gaaray dagaalkan

