Puntland oo Diyaarado ku duqeysay Ciidamada PSF, kadib Dagaal shalay ku dhaxmaray Duleedka Boosaaso.

Talaado 21 Julay 2026 {HMC} Ciidamada PSF oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Laag-Boosaaso ayaa xukuumadda Puntland ku eedeeyey in ay ‘duqaysay’ una adeegsatay diyaarado-iswada, sida uu sarkaal-sare oo PSF ah u sheegey BBC.

PSF ayaa sida oo kale si rasmi ah u sheegtey in ay ka tirsan yihiin ‘Ciidanka Xoogga dalka’ ayna hoostagaan Dowladda Federaalka ah, iyaga oo intaasi uu sarkaalka hadlay ku daray; in difaaca dalka ay xaq u leedahay Dowladda-dhexe, iyada oo Dowlad-goboleedyada keliya xaq u leeyihiin Booliis waa sida uu hadalka u dhigey.

Taliska ciidanka Puntland ayaa gelinkii hore ee maanta sheegey in ay soo afjareen ciidanka PSF oo ay ku eedeeyeen khalkhalgelin amni, iyada oo dowladdu soo bandhigtey gaadiid-dagaal & maxaabiis.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Xoghayaha Guud ee Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika oo Muqdisho Lagu soo dhaweeyay.

Axad 16 Aug 2025 {HMC}  Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Amb. Gamal Mohamed Hassan, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey...