RW Xamse oo Magacaabay Guddi heerkiisu sarreeyo oo qaabilsan horumarinta xirfadaha iyo shaqo-abuurka.

Sabti 18 July 2026 (HMC) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Guddi heerkiisu sarreeyo oo qaabilsan horumarinta xirfadaha iyo shaqo-abuurka.

Gogol-xaadhka hawsha guddigan, oo muddo sanad ka badan ka socotay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana ay wadeen guddi-hoosaadka Shaqo-abuurka Qaran, ayaa hadda soo gaartay waqtigii dhaqangelinta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo cuskanaya qodobka 120-aad ee Dastuurka JFS, isla markaana eegaya muhiimadda ay leedahay dardargelinta xirfadaha, shaqo-abuurka, nidaamyada hagaajinta suuqa shaqada, iyo abuurista fursado dhaqaale oo lagu horumarin karo ganacsiyada gaarka loo leeyahay, ayaa magacaabay Guddiga Qaran ee Horumarinta Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka.

Guddiga ayaa ka kooban Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo 13 wasaaradood oo udub-dhexaad u ah hawlaha xirfadaha iyo shaqo-abuurka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Netanyahu oo baahiyay Muqaal uu ku muujinaayo in uu ku guuleeysanaayo Doorashada Israa’iil.

Isniin 19 Oct 2026 {HMC} Netanyahu oo baahiyay Muqaal uu ku muujinaayo in uu ku guuleeysanaayo Doorashada Israa'iil. Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Netanyahu ayaa soo dhigay...