Sabti 4 July 2026 {HMC}Â Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay duleedka deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay siddeed xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, oo uu ku jiro horjoogihii kooxda u qaabilsanaa weerarrada hoobiyeyaasha Axmed Eybka Caalim (Dagare).
NISA ayaa sheegtay in howlgalkaasi uu jab culus ku noqday shabakaddii kooxda u qaabilsanayd qorsheynta weerarrada argagixisada.
Sidoo kale NISA ma soo bandhigin sawirka horjoogaha la dilay.


