Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Talaado, Juun 23, 2026 –{HMC}Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo ku taalla deegaanka Irresuki ee degmada Mandera Central, hase yeeshee ciidamada ammaanka ayaa si guul leh uga hortagay weerarkaasi.

Sida lagu sheegay warbixin laga diiwaangeliyay saldhigga booliska ee Elwak, weerarka ayaa waxaa qaaday zubno ka tirsanaa Al-Shabaab, kadib markii dagaalyahannadu ay isku dayeen inay bartilmaameedsadaan xerada ciidamada. Kaaliyaha taliyaha deegaanka Irresuki ayaa dhacdadan ku wargeliyay ciidamada booliska.

Ciidamada ammaanka ee ku sugnaa xerada ayaa si degdeg ah uga falceliyay weerarka, iyagoo dagaal la galay kooxdii weerarka soo qaaday kuna qasbay inay dib u gurtaan.

Ilaa hadda lama soo sheegin wax dhimasho ama dhaawac ah oo soo gaaray ciidamada ammaanka Kenya, sidoo kalena lama oga khasaaraha gaaray dhinaca maleeshiyaadka weerarka soo qaaday.

Ciidamada ammaanka ayaa bilaabay hawlgal lagu xaqiijinayo amniga deegaanka iyo baaritaan lagu ogaanayo xaaladda guud ee goobta.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli ay sare u kaceen walaacyada amni ee ka jira gobolka waqooyi-bari Kenya, halkaas oo Al-Shabaab ay hore uga geysteen weerarro ka dhan ah xarumaha ciidamada iyo kaabeyaasha rayidka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...