Sabti 17 Oct 2026 {HMC} Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa Maxkamadda Sare ee dalka u gudbiyay dacwad ka dhan ah wax ka badalka Dastuurka dalka.
Dacwaddaan oo todobaadkii hore loo gudbiyay Maxkamadda ayaa maanta Xafiiska Garyaqaanka Guud ee dowladda waxa uu ogeysiiyay hay’adaha dowladda u xilsaaran dastuurka in dacwad laga gudbiyay Madaxweynaha, Baarlamaanka, iyo Xukuumadda, isla markaana ay soo gudbiyaan caddeemaha laga doonaya.

