Weerar Sababay qasaaro dhimasho iyo dhawac oo ka dhacay degmada Ari-cadeeye ee gobolka Sool.

Isniin 22, June 2026 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar maanta ka dhacay degmada Ari-cadeeye ee gobolka Sool.

Koox hubeysan ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen gudaha magaalada islamarkaana weerarkaasi uu dhaliyey khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay.

Arrintan ayaa la xiriirta sida goob joogayaal ay xaqiijiyeen dil saakaydii hore loo geystay Ganacsade ka mid ah Qaadleyda halkaas ka howlgala iyo nin kale oo la socday dhacdadaasi kadibna ay xigtay falkan galabta ka dhacay gudaha degmada Ari-Cadeeye.

Inkasta oo tirada saxda ah ee dhimashada iyo dhaawaca ay warar is khilaafsan kasoo baxayaan haddana waxaa la sheegay in dhimashadu gaareyso in ka badan dhawr iyo toban ruux iyo dhaawacyo aan wali la xaqiijin tiradooda rasmiga ah.

Xiriirro kala duwan oo aan la sameynay masuuliyiin ka tirsan Dowlad-goboleedka Woqooyi Bari iyo Waxgaradka deegaankaba nooma suuragalin inay dhacdadaas nagala hadlaan.

Ciidamo ka tirsan Kuwa DF ee ka howlgala deegaanada Woqooyi Bari iyo Kuwa Dowlad-goboleedka ayey wararka qaar sheegayaan in si deg deg ah ay u gaaareen goobta falku ka dhacay.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...