Khamiis 17 Sep 2026 {HMC} Ugu yaraan 67 qof ayaa ku dhintay kaddib markii ay duntay goob dahabka laga qodo oo ku taalla Al-Zara, meel u dhow magaalada Al-Nuhud ee gobolka Galbeedka Kordofan ee Suudaan, sida ay Arbacadii sheegtay Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan.
Shabakadda ayaa sheegtay in hawlgallada lagu baadigoobayo dadka ka badbaaday ama ku hoos xanniban burburka ay weli socdaan, iyadoo ka digtay in tirada dhimashadu ay kordhi karto, maadaama goobtu aysan lahayn tallaabooyin aasaasi ah oo badbaado iyo qalab ku filan oo samatabbixin ah.
Goobta shilku ka dhacay ayaa ku taalla deegaan ay gacanta ku hayaan Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF). Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan ayaa cambaareysay waxa ay ku tilmaantay dayacaad halis gelisay nolosha shaqaalaha macdanta, waxayna ku baaqday in la sii wado hawlgallada samatabbixinta iyo in la helo agabka caafimaad iyo saadka loo baahan yahay.
Waxay sidoo kale ugu baaqday maamulka gacanta ku haya deegaanka inuu qaado mas’uuliyadda ilaalinta dadka rayidka ah iyo shaqaalaha macdanta, isla markaana uu joojiyo hawlaha macdan-qodista ee aan nidaamsanayn si looga hortago shilal kale.
Macdan-qodista dhaqanka ayaa Suudaan shaqo siisa in ka badan laba milyan oo qof, waxayna soo saartaa qiyaastii 80% dahabka dalka. Suudaan waxaa tan iyo Abriil 2023 ka socda dagaal u dhexeeya ciidamada iyo RSF, kaas oo sababay dhimashada tobannaan kun oo qof iyo barakaca ku dhowaad 13 milyan oo qof, sida ay sheegayaan qiyaasaha Qaramada Midoobay iyo hay’adaha caalamiga ah.
XIGASHO:Anadolu Agency

