16 qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay Dalka Pakistan.

Jimco 18, Sep 2026 {HMC}  Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhimatay qaraxa, waxaana ka mid ah dadka dhintay saraakiil boolis ah. Gaari walxaha qarxa lagu soo xiray ayaa loo adeegsaday weerarka oo ka dhacay magaalada Kohat oo ku taal Waqooyi Bari Pakistan.

Gaariga qarxay ayaa lagu weeraray masjid maanta xiligii lagu jiray saaladda Jimcaha. Markaas kaddib dagaal ayaa bilowday oo u dhexeeyay kuwa weerarka soo qaaday iyo boolilska.

Sida ay sheegeen warbaahinta gudaha, waxaa weli socda howlaha gargaarka, waxaana suuragal ah in tirada wax ku noqotay weerarka ay sii kororto.

Wasaaradda arrimaha gudaha Pakistan ayaa barteeda X ku sheegtay in qaraxa uu ka dhacay meel u dhow saldhigga booliska magaalada Kohat. Wasaaradda oo aan cadeyn tirada dhibanayaasha ayaa tacsi u dirtay dadkii wax ku noqday weerarkaas.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Wafdi hordhac u ah safarka Madaxweyne Xasan Shiikh oo gaaray Dalka Maraykanka.

Jimco 18, Sep 2026 {HMC} Wafdi hordhac u ah Safarka Madaxweyaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u safray Dalka Maraykanka, waxaana lagu...