Warar ka soo baxay xaaladda magaalada Muqdisho

Arbaco 3,June 2026 {HMC}  Waraka ka imanyaa magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in iska hor imaad kooban uu ka dhacay Isgoyska Dabka, kaas u dhexeeya ciidamadda dawladda iyo ilaalada raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayrre, sida ay BBC-da u xaqiijiyeen ilo ku dhow hay’adaha amniga Soomaaliya.

Raysalwasaarahii hore ee Soomaaliya ayaa boggiisa baraha bulshada ku sheegay in weerar lagu soo qaaday xilli uu la shirayay hoggaanka dhaqanka.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli maalinta berri ah a filayo bannaanbax ay soo agaasimeen mucaaradka Soomaaliya.

Muuqaallo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada oo aanay BBC-du xaqiijin karin ayaa muujinaya rasaas xooggan oo la is weydaarsanayo.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

{DAAWO SAWIRADA} Ciidamada Midowga Yurub oo Muqdisho ku Qabtay Layli Amni iyo Gurmad Degdeg ah.

Khamiis 19 Nov 2026 {HMC} Howlgalka Midowga Yurub ee tababarka ciidamada Soomaaliya (EUTM Somalia) ayaa qabtay layliga RAPID HAVEN I/26, kaas oo lagu xoojinayay...