Jimco 9 Oct 2026 {HMC} Sagal Cabdi Wali waa qofkii ugu horreyay ee Soomaali ah oo loo doorto xildhibaan ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka Britain, waxeyna markii ugu horreysay Ingiriiska timid horraantii sagaashamaadkii, iyadoo ahayd ilmo qaxooti ah oo qoyskeedu ka soo carareen dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya.
Saga oo 42 jir ah waxaa markii ugu horreysay loo doortay xubin ka tirsan golaha deegaanka Camden sannadkii 2022. Bishii May ee sannadkan, waxay taariikhda gashay markii ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee madow ah ee hoggaamisa golaha deegaanka Camden.
Waxay hore uga hadashay waayo-aragnimadeeda qaxootinimo, iyadoo sannadkii 2019 warbaahinta u sheegtay:”Camden ayaa hoy ii noqotay tan iyo markii aan aniga iyo qoyskaygu halkan u soo guurnay anigoo ilmo qaxooti ah, kana soo cararnay Soomaaliya oo uu dagaal ka socday”.
“Deegaankan ayaa ah halka aan ku soo koray kuna wax bartay. Hadda waxaan uga shaqeeyaa golaha deegaanka, sidoo kalena waxaan si mutadawacnimo ah ugu adeegaa ururrada bulshada iyo hay’adaha samafalka ee deegaanka, ayay tiri.
“Waa deegaan lagu yaqaan isku-duubnida bulshada, horumarka iyo ka-qaybgalka dadka oo dhan” ayay tiri. Iyadoo raacisay “Arrimahaas ayaa qaabeeyay qofka aan maanta ahay iyo mabaadi’da aan aaminsanahay.”

Sannadkii 2022 ayay markii ugu horreysay ku guuleysatay kursiga xubin golaha deegaanka ah, iyadoo matalaysay xaafadda Camden Square kana tirsan Xisbiga Labour.
Ka hor intii aan loo dooran hoggaamiyaha golaha deegaanka, waxay ahayd xubin ka tirsan maamulka golaha oo qaabilsan horumarinta guryaha. Waxay mas’uul ka ahayd arrimaha guryeynta iyo horumarinta xaafadaha deegaanka Camden.

