Telefishinka Iiraan oo billaabay barnaamijyo dadweynaha lagu barayo sida loo adeegsado hubka.

Sabti 16 May 2026 {HMC} Dad badan marka ay maqlaan in dal shacabkiisa ay gacantooda ku jiraan hub badan, waxay markiiba u arkaan amni darro iyo fowdo. Laakiin dhinac kale marka laga eego, dalal badan waxay arrintaas u arkaan qayb ka mid ah difaaca dalka.

Mareykanka tusaale ahaan, shacabka waxaa loo ogolyahay inay hub badan guryaha ku haystaan.

Saraakiil badan oo militari oo howl-gab noqday ayaa sidoo kale dadka si gaar ah u bara isticmaalka hubka iyo tababarrada dagaalka.

Inkastoo arrintan ay sababto dhibaatooyin badan oo gudaha ah, haddana Mareykanku wuxuu aaminsan yahay in haddii maalin gudaha dagaal ka dhaco ama cadow shisheeye gudaha usoo galo, shacabka ay awood u yeelan doonaan inay dagaallamaan haddii awood kasta oo kale la jebiyo.

Si taa la mid ah, waxaa jirta arrin dad badan aysan si qoto dheer uga fikirin oo ku saabsan Soomaaliya. Mid ka mid ah waxyaabaha dib u dhigaya dal kasta oo shisheeye oo doonaya inuu xoog ku qabsado Soomaaliya waa hubka badan ee ku jira gacanta shacabka, hub aan si dhab ah loo ogeyn inta uu le’eg yahay. Sidoo kale qofka Soomaaliga ah si dabiici ah ayuu u yaqaan isticmaalka hubka fudud.

Xaaladdan ayaa qayb ka ahayd sababtii ciidamada Mareykanka iyo markii dambe ciidankii Itoobiya ay ugu qasbanaadeen inay wada-xaajood ku raadiyaan waddo ay dagaalka uga baxaan markii ay howlgallo ka sameeyeen Muqdisho. Inkastoo ay magaca nabad ilaalin adeegsanayeen, haddana iska caabinta raggii hubaysnaa ayaa sababtay inay ugu dambeyn ka baxaan magaalada.

Maanta Soomaaliya waxay joogtaa marxalad uu hub badan ku jiro gacanta shacabka, taasoo meesha ka saaraysa in dal ku yaalla Geeska Afrika uu si fudud isku dayo qabsashada Soomaaliya.

Laakiin dhinaca kale, dad badan waxay Soomaaliya u arkaan meel si sahlan loo qabsan karo, sababtoo ah waxa muuqanaya oo ka dhalanaya inaysan jirin dawladnimo adag iyo ciidan qaran oo mideysan.

Daciifnimadaas, midnimo la’aanta bulshada, iyo sida ay kooxo yar yar mararka qaar u maamuli karaan shacabka, ayaa abuurtay sawirka ah bulsho daciif ah.

Taasi waa run, waana wax ka dhashay qiyam iyo nidaam ay bulshada wada difaacdo oo aan si dhab ah u jirin. Laakiin marka ay timaado cadow shisheeye, shacabku way iska caabin doonaan.

Ugu dambeyntiina, Iiraan ayaa hadda u muuqata inay qaadeyso tallaabo la mid ah. Waxay rabtaa in haddii wax kasta oo kale la jebiyo, shacabka ay awood u yeeshaan inay dagaallamaan.

Taasna waxay ka dhigeysaa in cadow kasta oo isku daya inuu gudaha Iiraan usoo galo inuu wajihi doono iska caabin dadweyne.

W/Q Iman Jamac

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...