Taliyaha Ciidanka CXDS Ayaa Magaalada Ankara kulan kula qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Turkiga.

Isniin 10 Aog 2026 {HMC}  Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa magaalada Ankara kulan kula qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Turkiga, Yaşar Güler, iyadoo kulanka uu sidoo kale goob joog ka ahaa Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga, Orgeneral Selçuk Bayraktaroğlu.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah iyo iskaashiga amniga iyo difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan taageerada horumarinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, tababarka iyo tayeynta ciidamada, iyo xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada amniga.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee ku aaddan xasilloonida, amniga iyo horumarinta awoodaha difaaca Soomaaliya, iyadoo la adkeynayo xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha difaaca ee labada dal.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Tirada maraakiibta lagu weeraray Marinka Hormuz oo gaartay heerkii ugu sarreeyey

Sabti 17 Oct 2026 {HMC} Tirada maraakiibta sheegay in lagu weeraray gudaha iyo hareeraha Marinka Hormuz ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay abid. Falanqayn ay samaysay...