Ra’iisul wasaaraha Israa’iil si qarsoodi ah ku tagey dalka Imaaradka Carabta.

Khamiis 14 May 2026 {HMC} Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu booqasho qarsoodi ah ku tegay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo la sheegay inuu kula kulmay Madaxweynaha dalkaasi, Maxamed Bin Zayed.

Wararkan oo ay daabacday Warbaahinta CBS News ayaa sidoo kale tilmaamay in wafdi militari oo ka socda Israa’iil uu gaaray dalkaasi, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin.

Dowladda UAE ayaa dhankeeda si adag u beenisay wararkaasi, iyadoo sheegtay inaanu jirin booqasho uu Netanyahu ku tegay dalka ama wafdi Militeri oo ka socda Israa’iil la qaabilay.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda UAE ayaa lagu sheegay in xiriirka kala dhexeeya Israa’iil uu yahay mid si rasmi ah, isla markaana aysan jirin kulamo ama heshiisyo qarsoodi ah.

Israa’iil iyo Imaaradka Carabta ayaa la tilmaama in ay leeyihiin xiriir diblumaasiyadeed oo dhow, waxaana ay wajahayaan weerarada Iiraan ee duqeymaha ah.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...