Natiijada Imtixaanka dugsiga dhaxe ee Gobolka Banaadir oo la shaaciyay

Axad 9 Aug 2026 {HMC]Agaasinka Waxbarashada ee Gobolka Banaadir ayaa maanta shaaciyay natiijada Imtixaanka Dugsiga Dhexe oo sannadkaan ay galeen 45,452 Arday oo isugu jiray Wiilal iyo Gabdho, waxaana muddo socotay sixitaanka imtixaankaas oo ugu dambayn lasoo bandhigay.Geographic Reference

Gabdhaha Imtixaanka sannad dusgiyeedka 2025 gashay waa 20,666 halka Wiilashu ay ahaayeen 23,351 sida uu sheegay Agaasinka Waxbarashada Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta soo bandhigay natiijada Imtixaankaas.

Sannadkaan waxaa yar tirada Ardayda ku dhacday Imtixaanka waana 1,435 Arday oo celcelis ahaan noqonaya 3.2% halka ay baaseen ama gudbeen 44,017 Arday sida lagu sheegay xogta natiijada la shaaciyay.

Kaalinta koowaad ee Imtixaanka Dugsiga Dhexe ee Gobolka Banaadir waxaa gashay Sumayo Xasan Abshir Aadam, kaalinta 2aad waxaa gashay Balqiisa Maxamed Cumar Maxamed & halka kaalinta 3aad uu galay Axmed Cabdinaasir Cabdullaahi Cabdi.Time & Calendars

Ardayda gashay kaalmaha hore ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinno lagu dhiirragelinayo dedaalkii ay samaysay si ay usii kordhiyaan hamiga ay u leeyihiin Waxbarashada maadaama ay u gudbiyaan Dugsiga Sare.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Iraan oo gacanta ku dhigtay markab nooca badda quusa ah ee loo yaqaano Gujiska oo uu leeyahay Mareykanka.

Talaado, 8 Seb 2026 {HMC} Iraan oo shaacisay inay gacanta ku dhigtay markab nooca badda quusa ah ee Gujiska oo uu Mareykanku leeyahay. Wakaaladda wararka...