Muxu yahay heshiiska ay kala saxiixday Maraykanka & Itoobiya?

Talaado 12 May 2026 {HMC}   Dowladaha Maraykanka iyo Itoobiya ayaa Magaalada Washington ku kala saxiixday heshiis ka kooban 4 qodob oo muhiim u ah cilaaqaadkooda sida lagu yiri bayaan ay labada dhinac kasoo saareen kulankooda kaddib.

Qodobada lagu heshiiyay waxaa kamid ah: Dhaqaalaha, Ganacsiga, Difaaca & Xasiloonida sidaas oo kale Maraykanka ayaa dhowaan heshiis qodobadaan lamid ah la galay Dalka Eretareeya oo dagaal kala dhaxeeyo Itoobiya.

Maraykanka ayaa doonaya in uu isku dhinac wado Dalalkaan colaaddu ka dhaxaysa ee Itoobiya iyo Eretareeya isaga oo danaynaya in uu kasoo dhawaado dhinaca Badda Cas, inkasta oo la qiimanayo sida uu u dhaqangeliyo heshiisyadaas.

Washington ayaa heshiisyo kala duwan la gashay Dalal badan oo Afrika ah, waxa uu Maraykanka uu saldhig ku leeyahay Jabuuti & Kenya halka uu Soomaaliya ka taageerro dhinaca duqaymaha cirka iyo garab istaagga Ciidamada qaar.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda iyo mucaaradka Soomaaliya oo la filayo in ay heshiis ka gaaraan arimaha khilaafaadka.

Sabti, 5, Sept 2026 {HMC}  Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan mucaaradka ayaa maalmaha soo socda saxiixi kara heshiis lagu dhisayo Guddiga Hawlgalka Kala-guurka...