Maxaa kasoo baxay shirkii maanta Muqdisho uga furmay Dowladda iyo Mucaaradka?

Khamiis 14 May 2026 {HMC} Waxaa soo idlaaday shirkii maanta Muqdisho gaar ahaan Xarunta JOC ee garoonka Aadan Cade uga furmay Dowladda Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Mucaaradka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisulwasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa kulanka maanta dowladda Soomaaliya ku matalayey,halka dhanka Mucaaradka shirka ay ku matalayeen

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni sidoo kale Shirka waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan beesha caalamka.

Arrimaha doorashooyinka gaar ahaan nooca doorasho iyo xaaladda kala guurka ah ee dalka ayaa diiradda lagu saarayaa shirka dhinacyada ayaana maanta dood hordhac ah ka yeeshay qodobada qaar inkasta oo kulanku maanta ahaa is arag guud.

Kulanka oo jawi daggan ku bilowday ayaa kusoo idlaaday in lagu ballamay is arag kale iyadoona berri lasii amba-qaadayo wadahadalada.
Dhinacyada ayaana waxaa kulamo wadatashi ay kula laabanayaan xubnaha mucaaradka.iyo dowladda ee wakiilada ay ka kala ahaayeen

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Isbahaysiga xisbiyada Carabta ee Israa’iil oo qaaday tallaabo beddeli karta loollanka siyaasadeed Israa’iil.

Jimco 6 Nov 2026 {HMC} Isbahaysiga xisbiyada Carabta ee Israa’iil ayaa qaaday tallaabo si weyn u beddeli karta loollanka siyaasadeed ee Israa’iil, ka dib...