Iran oo ka fal-celisay booqashadii Netanyahu ee Imaaraadka.

Khamiis 14 May 2026 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araqchi, ayaa ka falceliyay shaacinta dadweynaha ee safarka Benjamin Netanyahu uu ku tagay Imaaraadka Carabta, isagoo yiri: “Netanyahu hadda wuxuu si cad u shaaciyay wixii hay’adaha ammaanka Iran ay horay ugu gudbiyeen hoggaankeena.”

Araqchi ayaa sidoo kale jeediyay hadallo adag oo Imaaraadka iyo dalalka Khaliijka, isagoo sheegay: “Cadownimada looorka weyn ee Iran waa khamaar nacasnimo ah; iskaashi iyo la fal-galidda lala sameeyo Israa’iil dhankeena waa wax aan la cafin karin.

Kuwii door ka ciyaara la falgalka Israa’iil si loo abuuro kala qeybsanaan waa in lala xisaabtamaa.”

Marka laga soo tago shaacinta booqashada Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ee uu ku tagay Imaaraadka intii uu socday dagaalka, warbaahinta Mareykanka ayaa sidoo kale maalmahan dambe si weyn uga hadashay warar ku saabsan weerarro militari oo qarsoodi ah oo ay Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya ku qaadeen Iran.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Tirada maraakiibta lagu weeraray Marinka Hormuz oo gaartay heerkii ugu sarreeyey

Sabti 17 Oct 2026 {HMC} Tirada maraakiibta sheegay in lagu weeraray gudaha iyo hareeraha Marinka Hormuz ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay abid. Falanqayn ay samaysay...