Dowladda Uk oo digniin adag kasosaray muwaadiniinteeda u safraya Soomaaliya.

Khamiis 14 May 2026 {HMC} Dowladda Ingiriiska ayaa mar kale cusboonaysiisay digniinta safarka ee ay ka bixiso Soomaaliya, iyadoo muwaadiniinteeda uga digtay xaaladaha amni ee ka jira guud ahaan dalka iyo qaybo kamid ah Somaliland.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UK (FCDO) ayaa lagu sheegay in dowladda Britain ay mamnuucday dhammaan safarrada lagu tagayo Soomaaliya, oo ay ku jiraan gobollada Togdheer, Sanaag iyo Sool, sababo la xiriira khataraha amni iyo weerarada ay geystaan kooxaha argagixisada.

Dowladda UK ayaa sheegtay in qof kasta oo go’aansada inuu sii joogo Soomaaliya looga baahan yahay inuu yeesho qorshe degdeg ah oo u gaar ah, maadaama aanu ku tiirsanaan karin taageero rasmi ah oo dowladda Britain ah haddii xaalad degdeg ah dhacdo.

Dhanka kale, dowladda Ingiriiska ayaa oggolaatay oo keliya safarrada muhiimka ah ee lagu tagayo gobollada galbeedka Somaliland ee Awdal, Maroodi-jeex iyo Saaxil, oo ay ku jiraan magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Boorama.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu xusay in dagaallada u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-Shabaab ay sii xoogeysteen, gaar ahaan deegaanada ku dhow magaalada Muqdisho.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...