Dowladda Soomaaliya oo ciidamo Booliis ah maanta Geeysay degmada Waajid ee gobołka Bakool.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo ka tirsan Booliiska maanta ka dejisay degmada Waajid ee gobołka Bakool.

Guddoomiyaha degmada Waajid, maamulka iyo saraakiisha amniga ayaa si diirran u soo dhoweeyey ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray magaalada Muqdisho, kuwaas oo loo diyaariyey inay ka howlgalaan Saldhigga Booliska degmada Waajid.

Ciidamadan ayaa loo soo galbiyey Hoolka degmada, halkaas oo Guddoomiyuhu ugu sameeyey soo dhoweyn iyo dardaaran ku saabsan waajibaadka shaqo, ilaalinta amniga, u adeegidda bulshada iyo dhowrista sharciga.

Imaatinka ciidamadan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo amniga degmada Waajid, maadaama aysan horey degmada uga jirin ciidan Boolis oo saldhig u gaar ah leh.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku Qaabilay Ganacsato Turki ah.

Khamiis 15 Oct 2026 {HMC}  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay ganacsato Turki ah oo uu hogaaminaayay Süleyman Kozuva, Guddoomiyaha Golaha...