DFS oo shuruudo dul dhigtay Ganacsatada Bakaaraha.

Talaado 12 May 2026 {HMC}  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 9 shuruud hordhigtay Ganacsatada Suuqa wayn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, shuruudahaas waxaa ka dhashay in la xiro goobaha Ganacsiga Suuqaas sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan.

Ganacsatada ayaa ku dooday in qodobada qaar ay ku adag tahay sidaas awgeed ay u xireen goobahooda Ganacsiga, Mustaqbal ayaa aragtay xaanshida loo gudbiyay Ganacsatadu ee sagaalkaas shuruud ku qoran yihiin waana:

1-Business license (Shatiga Hay’adda)

2-Passport Owners (Milkiilaha Baasaboorkiisa)

3-Company Profile (Hay’adda Profile-keeda)

4-Notory (Nootaayada/Xeerhoosaadka/ By Law-ga)

5-Company E-mail (Hay’adda E-maile-keeda)

6-Phone Number (Number-ka Hay’adda)

7-Bank Account (Akoon bangiyadooda)

8-Name of the House Owner And Resident Organization (Magaca milkiilaha Guriga Hay’adda ay degan yihiin)

9-House Rent (Lacagta kirada guriga)

Suuqa Wayn ee Bakaaraha waxaa ku tiirsan dad badan oo isugu jira kuwa leh Goobaha Ganacsiga, Shaqaalaha ka howlgalla, Dadka Garab raratada ah iyo kuwo kale balse xirnaashiyaha suuqaas ayaa saamayn taban ku reebay.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Yemen oo Jabuuti kala hadashay xoojinta dadaallada lagu joojinayo maalgelinta Xuutiyiinta.

Jimco, 4, Sep 2026 {HMC}  Yemen ayaa ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga gobolka ee lagu carqaladeynayo shabakadaha sahayda iyo maalgelinta ee lala xiriirinayo Xuutiyiinta,...