DFS oo Sheegtay Ciidamada Taabacsan Lafta Gareen in ay Qatar ku yihiin Amniga Koofur Galbeed.

Sabti 16 May 2026 {HMC} War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada Cabdicasiis Laftagareen ay ku milmeen kana dhinac dagaalamayaan ‘AS’ isla markaana ay si wadajir ah u weerareen Saldhig Ciidanka Federaalka ee ku leeyahay Gobolka Baay ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Warkaan oo lagu daabacay Barta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dhanka kale lagu sheegay in howlgallo qorsheysan oo la fuliyay kaddib weerarkaas ay ku dhinteen saraakiisha ciidanka Federaalka lagu dilay 50 xubnood dhinicii weerarka soo qaaday sida hadalka loo dhigay.

Wasaaraddu Difaaca Soomaaliya waxa ay intaas ku dartay in aanay loo dulqaadan Karin ficillada ay samaynayaan ciidamadaas ka amarqaata Cabdicasiis Laftagareen ee la sheegay in ay ku sugan yihiin qaybo kamid ah Gobolka Baay ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEED KA DFS.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Ilhaan Cumar oo soo jeedisay in dhaqaalo la siiyo bulshooyinka ay saameeyeen hawlgalladii ICE.

Axad 20 Sep 2026 {HMC} lhaan Cumar oo ah Xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiillada Wadanka Maraykanka ayaa soo bandhigtay hindise sharciyeed cusub oo lagu...