Dawladda Soomaaliya oo kooxda AS ka soo badbaadisay dad shacab ah oo ugu afduubnaa.

Khamiis 14 May 2026 {HMC} Ciidamada Danab oo sameeyay howlgal ay Xabsiyada AS kaga soo daayeen 9 ruux oo shacab ah, sida ay shaacisay DFS

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay hawlgal ay ciidamda Kumaandooska Danab ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Dhexe.

Hawlgalkan oo ka dhacay degmada Gamboole ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayay Dowladda sheegtay in lagu soo daayay 9 qof oo shacab ah, kuwaasi oo ay heysteen AS.

Sidoo kale, Wasaaradda Difaaca ee Soomaaliya ayaa tilmaamtay in iska hor imaad kooban oo goobta ka dhacay uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaarey Xubnaha AS.

Qoraalka Dowladda kuma sheegin sababaha ay dadkaan u xirteen AS.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

RW Xamsa oo amar ku bixiyay in hubka laga xakameeyo waddooyinka Muqdisho.

Axad, 13, Sep 2026 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa faray laamaha amniga inay adkeeyaan xakamaynta hubka lagu dhex qaato magaalada Muqdisho,...