Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo hawlgal burburin ah ka fuliyay deegaano ku yaalo gobolka Sh/Hoose.

Khamiis, July 16, 2026 {HMC}  Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal burburin ah ka fuliyay deegaannada Tooratoorow, Caliyoow Baarow, Doonka iyo Farsooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Hawlgalkan oo ahaa mid si qorsheysan loo fuliyay ayaa lagu bartilmaameedsaday fariisimo iyo goobo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta. Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa howlgalkan ku burburiyay goobo ay kooxdaasi u adeegsan jireen gabaad iyo isku abaabul.

Hawlgalka ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku wiiqayaan awoodda Khawaarijta, laguna xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed.

Ururada 161-aad iyo 164-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa sii wada hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha khalkhal geliya amniga, iyagoo ka shaqeynaya difaaca shacabka iyo ilaalinta nabadgelyada deegaannada.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

RW Xamsa oo amar ku bixiyay in hubka laga xakameeyo waddooyinka Muqdisho.

Axad, 13, Sep 2026 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa faray laamaha amniga inay adkeeyaan xakamaynta hubka lagu dhex qaato magaalada Muqdisho,...